
Aanadii negeeye / Ibraahin Yuusuf Axmed.
Title:
Aanadii negeeye / Ibraahin Yuusuf Axmed.
ISBN:
9781494468040
Personal Author:
Publication Information:
Sweden : Sheeko, 2013.
Physical Description:
327 pages ; 23 cm
General Note:
Romantic novel.
Summary:
"Aanadii Negeeye ee Ibraahin-Hawd waa sheeko dibirrooti laga amaamudday. Hadda iyo hadhowto, ma jirayaan wax ku soobaxaya sida qacda hore loo maleynayo; waayo dhacdooyin hore iyo dhacdooyin dambe ayaa isula falgalaya siyaabo, aayahooda dambe, aan la sii odorosi kareyn, halkaas oo ay ka soo ifbaxayaan weliba dhiillooyin horleh; gooraha qaarkood na, akhristeha iyo baxaalliyada ba (jilaaga), labaddaraadle, waxa hadba ugu soo xigi dhalanrog la layaab leh. Negeeye oo jardiinada Fiilla Adduun kursijiif ku dangiiga, ayaa maankiisu higsanayaa fallaagonnimadii tiil Damalweyn. Shir ay beeshiisu beri ku guddoonsatay in la digarogto ayuu dib u soo gocanayaa. Colaad berigaas jirtay darteed ayay beeshu u guuri lahayd; si ay nabadgelyadeeda u sugto, iyo tab ay geeri uga badbaaddo. Waageedii, isla jeerkii uu dhacay guddoonkaas isaga ah, Dhool ayaa iyadu na foolatay. Sidaas darteed, Geeddi Buraale ayaa ku taliyay in curadkiisii loo wanqalo, hayaankii na dib loo dhigo. In la guuro iyo in aan la guurin, ayay se noqotay tooyashadii tolka. Geeddi iyo Goodir na halkaas ayay isku afdhaafeen; waayo Goodir ayaa qabay "ciil ka soo jeeday caddaloolkii kuraynimo." Labadii rag ahaa na, farafootame'; Goodir na, laga itaal roonaa'. Dabadeed, markii la kala guray colkii, iyada oo la rumeysnaa in uu iska ba hoyaadtegay, ayuu madashii kula soo laabtay qori cabbaysnaa: Goodir waxa uu toogad ku ajalay Geeddi Buraale: Sidaas ayuu habeenkii uu Negeeye dhashay, aabbihii na uu ku dhintay."--A M Yuusuf Waayeel."--Amazon.com
Language Note:
In Somali.
OCLC Number:
ocn889644413
Availability:
Farmington~1