Cover image for Hal ka haleel : sooyaalka hadraawi iyo suugaantiisa / Maxamed Baashe X. Xasan.
Hal ka haleel : sooyaalka hadraawi iyo suugaantiisa / Maxamed Baashe X. Xasan.
Title:
Hal ka haleel : sooyaalka hadraawi iyo suugaantiisa / Maxamed Baashe X. Xasan.
ISBN:
9780995753334
Personal Author:
Edition:
Daabacaadda Labaad.
Publication Information:
[Place of publication not identified] : Garanuug, 2018.
Physical Description:
352 pages : illustrations ; 23 cm
Summary:
"Waxaad ku arki buugga sida layaabka leh ee Maxamed Baashe uu dooc iyo dareen ula falgelayo waayaha nololeed iyo tajrubooyinka suugaan curineed ee uu inooga warramayo. Haddii uu Hadraawi tijaabadiisa ku soo bandhigo tixdiisa, Maxamed Baashena waxa uu buugga innagu tusayaa oo inna dhadhansiinayaa nolosha Hadraawi iyo suugaantiisu sida ay asaga u taabteen ee u saameeyeen. Asaga oo aan toos inoo odhan baynu hawraardhigga ereyadiisa kala soo baxaynaa." — Rashiid-Gadhweyne. Maansooyinka Hadraawi waa iftiin lagu soo hirto, rejo lagu negaado, gabbaad la dugsado, iyo ehel la weheshado. Waa kuwo dhayaya boogaha iyo dakharrada maanka ku yaalla, maskaxdana culaya. Faallada Maxamed Baashe ayaan marar badan waxba ka dhicin maansada Maxamed Ibraahim. Qoraagu waxa uu si farshaxan leh inoo dhex mushaaxinayaa taariikh nololeedkii Hadraawi, fikirkiisii, himiladiisii, higsigiisii, iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu abwaanku soo maray. Baalasha buuggan waxaan ka dheehan karnaa saamaynta ay waayuhu ku yeesheen adduun aragga Hadraawi iyo sidii uu uga falceliyey isaga oo adeegsanaya halabuurkiisa. Natiijada ka dhalanaysa ee aan indhaha laga qarsan karini waa in Hadraawi ahaa waxgarad daacad u ah dadkiisa, hadh iyo habeenna si hargrasho la’aan ah ugu hawllanaa sahaminta meel barwaaqo ah oo uu ku duwo habaqlaha dadkiisa. Waxa uu diyaar u ahaa in uu naf iyo maalba u huro, isaga oo aan aqoon gabbasho iyo gadaal u gurasho toona. Waa tusaale dhiggiisu maanta maqan yahay."--Back cover.
OCLC Number:
on1056158177
Availability:
Burnsville - Burnhaven~1

Eagan - Wescott~1
Holds: